Willian oo xaqiijiyey in Manchester United soo dalbatay

Willian

(London) 10 Luulyo 2017. Willian waxa uu sheegay in uu la midoobi gaaray Jose Mourinho hadii aysan xagaagan Chelsea is hortaagin ku biiridiisa Manchester United.

29 jirka waxa uu ku jahwareeray kaartada Conte ololihii hore isaga oo inta badan ka maqnaa safka kowaad.

Willian olole wanaagsan ayuu soo bandhigay kii ugu dambeeyey ee Mourinho waxaana loo doortay ciyaaryahankii sannadka xilli uu dhaliyey shan goo loo horyaalka ah halka uu 6 kale caawiyey.

Bishii Abriil waxaa soo baxday xiisaha Mourinho ee Brazilian-ka halka Willian qudhiisa cadeeyey in uu la midoobi karay hadii aysan Chelsea is hortaagin.

“Wadahdal kooban ayaa dhexmaray wakiilkeyga, waan la shaqeeyey Mourinho waxaana noqonay saaxiibo,” ayuu u sheegay Goal.

“Aad ayuu uu jecel yahay isagana tababbare ahaan aad ayaan uga helaa iyo waliba shaqsi ahaan. Wuu I aaminsan aniga iyo shaqadeyda, aad ayaan abaal ugu ahaa.

“Manchester wey I soo raadisay, waxa ay la hadleen wakiilkeyga, laakiin waxba ma dhicin maxaa yeelay Chelsea ayaa diiday wadaxaajoodka si kastaba waan ku faraxsanahay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close