Manchester United oo qarka u saaran saxiixa Serge Aurier

PSG

(Europe) 10 Agoosto 2017. Sida uu fahansan yahay warisdaha Goal, Man United ayaa qarka u saaran soo xero galinta daafaca PSG Serge Aurier oo lagu wado inuu u saxiixo heshiis 5-sano ah.

Daafaca reer Ivory Coast ayaa kor u qaadi doona dooqyada Jose Mourinho ee garabka Midig iyadoo ay iminka kaga ciyaaraan Antonio Valencia iyo Matteo Darmian.

Waxaa jiray in laacibka laga ganaaxay inuu u soo duulo England kaddib markii uu aflagaadeeyay Boolis sanadii la soo dhaafay, balse laacibka ayaa iminka racfaan ka qaatay.

Aurier ayaa PSG u saftay 57 kulan horyaalka Legue 1 tan iyo markii uu ku soo biiray 2014, markii hore wuxuu amaah kaga yimid naadiga Toulouse ka hor inta uusan si rasmi ah u sal dhigan kooxda 2015.

Intii uu daafaca ku sugnaa gegada Parc des Princes wuxuu kula soo guulestay, labo jeer horyaala Ligue 1, min saddex jeer oo Coupes de la Ligue iyo Coupes de France.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close