Klopp oo ka hadlay xaalka cakiran ee Philippe Coutinho (Muxuu yiri?)

(Liverpool) 10 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee laacibkiisa Philippe Coutinho.

Xiddiga reer Brazil ayaa looga gacan haatinayaa garoonka Camp Nou kadib markii Barcelona ay waysay Neymar suuqa xaggaagan.

Tababare Klopp ayaa sheegay in kooxdiisu aysan diyaar u ahayn waqtigaan inay iska fasaxdo ciyaartoydeeda, wuxuuna intaa ku daray in kooxdu aysan xitaa ka fikiri doonin dalabyada u imaanaya maadama laacibku uusan iib ahayn.

“Marka dalab uu ku soo gaaro taasi lama micno ahan inaan u baahanahay iibka ciyaartoydeena, ma doonayno inaan iibino ciyaartoydeena ee waxaan rabnaa inaan xoojino shaxdeena” ayuu yiri tababare Klopp.

“Ma jiro qiimo lacageed oo nagu qasbi kara inaan iibino Philippe Coutinho, muhiim iima ahan waxa ay bixinayso Barcelona”.

Gool FM

Xariir La Leh

One Comment

Leave a Reply

Close