Daa’uud Tubaal oo qarka u saaran in uu seego kullamada koobka Jeneraal Daa’uud

(Muqdisho) 10 Agoosto 2017. Waa war aan u wanaagsaneen dhagaha taageerayaasha kooxda Jeenyo mahadaama uu dhaawac halis ah soo gaaray kabtankooda Daa’uud Tubaal.

Xiddiga khadka dhexe ayaa jeenyo u safan kullamadii la soo dhaafay markii uu dhaawac halis ah ka soo gaaray garabka midig.

IMG_8913 IMG_9253

Ciyaaryahanka ayaa waxaa go’ay seed ku yaala garabka midig sida ay u sheegeen dhaqaatiirta, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo aadan uu qalliin maro.

Daa’uud ayaa waxaa dhaawac soo gaarsiiyay xiddiga Shakuur Aala kaa soo horay ugu tirsanaa kooxda Elman, balse iminka ka tagay.

Dhaawaca xiddiga ayaa ku soo beegmaya xilli jeenyo ay gashay guruubka C oo ah guruubka dhimashada koobka Janeraal Daa’uud oo ay kooxdiisu kula jirto Heegan, Dekedda iyo Banaadir

IMG_9253

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close