Borussia Dortmund oo si cad u soo diiday dalab kaga yimid Barcelona

dm

(Dortmund) 10 Agoosto 2016. Borussia Dortmund ayaa xaqiijisay inay soo diiday dalab kaga yimid Barcelona oo looga doonayay xiddig yarahooda Ousmane Dembele.

Barca aya waqti dheer lala xiriirinayay 20-jirka reer France balse talaabo u soo qaaday xiisaheeda kaddib markii ay 222 milyan Neymar uga iibisay kooxda Paris Saint-Germain iyadoo wararka qaar ayba sheegayaan inuu laacibku kol horeba ogolaaday inuu u dhaqaaqo dhankooda.

Borussia Dortmund boss Peter Bosz confirmed Ousmane Dembele missed training

Inkastoo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda reer Germany Michael Zorc  uu sheegay inaan wax heshiis ah la gaarin, misane qiyaas fikradeedka laga qabo inuu laacibka tagayo ayaa hawada isku sii shareeray maanta marka uu tababare Peter Bosz shaaca ka qaaday in Dembele uu seegay tababarka isla markaana aan la ogeyn meel uu cirib iyo jaan dhigay.

Wax yar kaddib kooxda Dortmund ayaa soo saartay warbixin rasmi ah ay ku sheegeyso inuu dalab ka soo gaaray Barcelona balse la diiday maadaama uusan u qalmin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close