“Barcelona waxayba fiicantahay Neymar la’aantiis” – Vicente del Bosque

Image result for del bosque y Neymar

(Barcelona) 10 Agoosto 2017 Tababarihii hore ee Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Vicente del Bosque ayaa ku amaanay Barcelona iibkii ay iska iibisay Neymar.

Vicente del Bosque ayaa rumaysan in Neymar uusan ahayn laacib marwalba ku jira heer sare balse wuxuu intaa ku daray inuu yahay laacib kulanba qaab uun u ciyaara.

Neymar PSG 1

PSG ayaa qiimo dhan 222 milyan oo euro ku burburisay qandaraaskii Neymar ee Barcelona kadib markii laacibka reer Brazil uu ogolaaday u dhaqaaqida kooxda reer France.

“Barcelona waxay iska fasaxday laacib isbadal badan oo aan lahayn qaab ciyaareed fiican oo joogto ah” ayuu yiri Vicente del Bosque.

“Sidaas darteed waxaan u arkaa in Barcelona ay fiicantahay la’aanta Neymar”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close