XOG: Lucas Biglia oo bil garoomada ka maqnaanaya

(Milano) 09 Agoosto 2017 – Laacibka khadka dhexe ee AC Milan ee Lucas Biglia ayaa muddo bil ah garoomada ku seegaya dhaawac muruqa ah, sida ay wararku sheegayaan.

Laacibkan reer Argentine ayaa xagaagan uun ka yimi Lazio, balse weli kulan rasmi ah uma safanin Rossoneri, maaddaama uusan ku jirin safkii labada lugood CSU Craiova ku wajahay kooxdaEuropa League.

Waxay haatan u muuqataa in maalintaasi ay dib usii dhacday, hilinka Biglia ayaa qoraya inuu maqnaan doono 3-4 todobaad kaddib markii uu dhaawac ka gaarey muruqa cajirka isagoo aan loo magacaabin kulanka ay caawa la yeelanayaan Betis Seville.

Haddii la xaqiijiyo, Biglia wuxuu seegayaa labada lugood ee kala baxa Europa League ee ay la ciyaarayaan Shkëndija, iyo sidoo kale kulan bilowga Serie A ee ay Milan ka hortegeyso Crotone.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close