RASMI: Paolo Dybala oo isku taagey lambarka 10-aad ee Juventus

(Torino) 09 Agoosto 2017 – Laacibka Paolo Dybala ayaa si rasmi ah u qaatay lambarka 10-aad ee Juventus taasoo rajiiminaysa aragtida sheegaysa inuu ka socdo kooxda Juve oo uu u socdo Barca.

La Joya oo u dhashay dalkaasi Argentina ayaa maalmihii dambe lala xiriirinayay kooxaha  Barcelona iyo Real Madrid balse kooxda Bianconeri oo arrintaa ka duulaysa ayaa laacibka u muujisay inay mustaqbalka ku tashanayso.

Dybala oo sidan jirey lambarka 21-aad ayaa haatan dhaxlaya jookarradii hore sida Del Piero, Platini, Sivori, Roberto Baggio, Tevez iyo ugu dambayn Pogba.

b9

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close