RASMI: Macallinka xulka Talyaaniga oo qandaraaska loo kordhiyay

(Roma) 09 Agoosto 2017 – Madaxwayaha xiriirka FIGC ee kubadda cagta Talyaaniga jaalle Carlo Tavecchio ayaa xaqiijiyay in macallinka xulka Talyaaniga ee Giampiero Ventura qandaraaska loo dheereeyay.

Macallinkii hore ee Torino ee Antonio Conte ayaa xulka Azzurri la wareegey kaddib Euro 2016, iyadoo warkan maanta lagu xaqiijiyay shir jaraa’id.

“Waxaannu halkan kaga dhawaaqaynaa inaannu kordhinney qandaraaska macallinka Azzurri ee Giampiero Ventura oo la gaarsiiyay tan iyo 2020,” ayuu Tavecchio ka sheegay kulan saxaafadeed uu qabtay isagoo sheegay inay kalsooni ku qabaan.

Ventura ayaa badiyay 7 ka mid ah 10 kulan oo uu hoggaaminayay xulka Talyaaniga ilaa haatan, isagoo barbarro la noqday Spain iyo Germany isagoo guuldarro kala kulmay France.

Qandaraaskiisii hore ayaa ku ekaa tan iyo Koobka Adduunka 2018.

 b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close