“Ma rabno oo Madaxiisaa wayn.”. Sababtii YAABKA lahayd ay Man United ku diiday Isco oo la ogaaday

Man

(Europe) 09 Agoosto 2017. Isco wuxuu ahaa laacibka garoonka ee kulankii xalay ee UEFA Super Cup isagoona laba cad ka kala dhigay Manchester United, laakiin laacibka ayaa ka soo muuqan karay shaxda kooxda reer England haddii aysan go’aansan lahayn inay iska diidaan saxiixiisa sanadii 2013 kolkaa uu u ciyaarayay Malaga.

Kooxda Jose Mourinho ayaa si dhow ula socotay xaalada Isco iyadoona dooneysay inay la soo saxiixato balse hal mar dhankiisa ka weecatay kaddib sabab yaab leh.

Sida uu warinayo warsidaha caanka ah ee ESPN Man United ayaa marar badan daawatay Isco, laakiin waxaa diiday in kooxda la keeno midka waxa u soo indho indheeya isagoona sheegay inuusan kooxda ku habooneyn.

Image result for Isco big Head

“Wuu fiican yahay, laakiin sidaa uma dheereeyo, Madaxiisa ayaana aad uga wayn jirkiisa.” Waxaa sidaa Man United u sheegay midkii u soo wiideynayay Isco.

Isco ayaa markaa kaddib ku biiray kooxda Real Madrid uu iminka ka dhigayo wacdaro muuqata isagoona ku hogaamiyay koobka Champions League.

Dad badan oo reer Manchester ah ayaa la arkaa inay iminka ka shalaynayaan sababta yaabka leh ay ku diideen Isco kaddib wacdarihii uu xalay ku dhigay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close