Ciyaartoyda Barcelona ma u sacabtumi doonaan kuwa Real Madrid axada?

(Madrid) 09 Agoosto 2017 Wararka ka imaanaya Spain ayaa sheegaya inay suurogaltahay in ciyaartoyda Barcelona ay saf laba dhinac ah ugu sacabtumaan kuwa Real Madrid.

Marca ayaa baahisay in ku guulaysigii Super Cup-ka yurub ee Real Madrid uu ku qasbi doono ciyaartoyda Barcelona inay u sacabtumaan ka hor bilaabashada kulanka lugta hore ee Super Cup-ka Spain.

Arinkaan ayaa ah mid aan ku cusbayn kooxaha Spain, Real Mallorca iyo Sporting Gijon ayaa sidaas oo kale ugu sacabtumay Atletico Madrid sanadihii 2010 iyo 2012 markaas oo Atletico ay ku guulaysatay Super Cup-ka yurub.

Sidoo kale Villarreal ayaa u sacabtuntay Valencia 2004 markaas oo ay ku guulaysatay Super Cup-ka yurub.

Balse dhacdooyinkan oo dhan ayaa soo muuqday mar la ciyaarayay La Liga ee ma ahayn Final Supercopa sida midka ay axada ku balansan yihiin Real Madrid iyo Barcelona.

Real Madrid ayaa ku guulaysatay Super Cup-ka yurub 2016, laakiin Atletico Madrid ayaa ka soo horjeesatay in ciyaartoydoodu ay u sacabtumaan kuwa Real Madrid.

Markii ugu danbaysay ee ciyaartoyda Barcelona ay u sacabtumaan kuwa Real Madrid ayaa ahayd xiliciyaareed 2007-2008 markaas oo kooxda caasimadu ay xaqiijisay hanashada horyaalka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close