Alexis Sanchez oo seegaya kulanka Arsenal ee furitaanka Premier League iyadoona laga shaki qabo…

ale

(London) 09 Agoosto 2017. Alexis Sanchez ayaa la xaqiijiyay inuu seegi doono kulanka ay Arsenal habeenka jimcaha ku furan doonto Premier League.

Gunners ayaa habeenka jimcaha la ciyaari doonta Leicester City iyadoo dhaawac caloosha ah uu uga maqnaan doono dhaliyahooda Sanchez.

Sidoo kale waxaa laga shaki qabaa inuu seego kulanka labaad ay usbuuc kaddib u safri doonaan kooxda Stoke City.

Alexis Sanchez walked out on the pitch at Wembley ahead of Arsenal's Community Shield clash

Tababare Wenger ayaa xaqiijyay dhaawaca uu laacibku ka qabo caloosha, wuxuuna sheegay inuu maqnaan doono usbuuc amaba labo usbuuc.

Waxaa sare u sii kacaya qiyaas fikradeedka laga qabo inuu laacibka ka tagayo Emirates Stadium.

Kooxaha PSG iyo Manchester City ayaana la warinayaa inay geed ugu gambanayaan sidii ay ku heli lahaayeen adeega Sanchez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close