Walcott oo amaanay laacibka ku cusub Arsenal ee Sead Kolasinac

Image result for Sead Kolasinac and walcott

(London) 08 Agoosto 2017 Laacibka garabka weerarka uga ciyaara Arsenal ee Theo Walcott ayaa amaanay xiddiga reer Bosnia ee Sead Kolasinac kaas oo bilaash ugu soo biiray Gunners xaggaagan.

Sead Kolasinac ayaa ahaa dhaliyihii goolkii barbaraha ee kulankii ay Chelsea ka qaadeen axadii koobka Community Shield.

Image result for Sead Kolasinac and walcott

Walcott ayaa sheegay inuu aad ula yaabay awooda jir ahaaneed ee Kolasinac, kaas oo sifiican uga dhex muuqday ciyaarta tan iyo markii uu badal ku soo galay qaybtii hore.

“Sead wuxuu la midyahay kaare awood badan, waan hubaa in awoodiisu ay na caawin doonto xiliciyaareed kan” ayuu yiri Walcott.

“Waad arki kartaa inta ay la egtahay awoodiisa marka uu wato kubadda, sidoo kale waa laacib orod badan, waad ku raaxaysanaysaa marka aad daawanayso”.

“Dhab ahaan aad ayuu ugu haboonyahay horyaalka ingiriiska”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close