Philippe Coutinho oo u sheegay tababare Klopp go’aankiisa kama danbaysta ah

(Liverpool) 08 Agoosto 2017 Philippe Coutinho ayaa u muuqda mid qaatay go’aan kama danbays ah oo ku aadan inuu u dhaqaaqo Barcelona.

The Sun ayaa daaha ka qaaday in Philippe Coutinho uu ku wargaliyay tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp inuu doonayo ku biirida Barcelona si uu badal ugu noqdo Neymar.

Laacibka ayaa hoos u dhac laga dareemayay tan iyo markii ay soo xoogaysteen wararka la xiriirinaya Barcelona si loo fasaxo.

Barcelona ayaa u soo gudbisay Liverpool dalab dhan 72 milyan oo Ginni laakiin kooxda reer ingiriis ayaa diidmo ugu jawaab celisay.

“Philippe Coutinho wuxuu doonayaa oo kaliya inuu u dhaqaaqo Barcelona, xitaa haddii wadahadalka Liverpool uu yahay mid saaxiibtinimo, wax walba waa cadyihiin, isagu wuxuu doonayaa inuu baxo” ayuu yiri wariye xog ogaal ah oo u dhashay Brazil.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close