Mourinho oo sugaya kulanka caawa si uu u ogaado xaalka Gareth Bale

Image result for Gareth Bale and Mourinho

(Skopje) 08 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa si cad u sheegay inuu ka warsugayo Gareth Bale ilaa kulanka caawa.

Mourinho ayaa muujiyay inuu doonayo saxiixa laacibka reer Wales, balse ma hubo inuu ku jiro qorshaha Zidane iyo inkale.

Wuxuuna sheegay in haddii Gareth Bale uu ku soo bilowdo kulanka ay ka dhigantahay in tababare Zidane uu ku darsaday qorshihiisa xiliciyaareedka cusub.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan sugo dhanka kale haddii uusan ciyaarin, laakiin haddii uu ciyaaro waxay tilmaan buuxda u tahay inuu sii joogayo Real Madrid” ayuu yiri Mourinho oo kula hadlay saxaafada magaalada Skopje ee caasimada Macedonia.

Gareth Bale ayaa bartilmaameed xoogan u ah kooxda Manchester United oo doonaysay sanadihii u danbeeyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close