Juan Guillermo Cuadrado oo shaki uga jiro kulanka Super Coppa Italia.

(Torino) 08 Agoosto 2017 – Juan Guillermo Cuadrado ayaa la sheegayaa inuu shaki uga jiro final-ka Italian Super Cup, ee ay fiidnimada Axadda Stadio Olimpico ku wajahayaan kooxda Juventus.

Sida ku qoran Sky Sport Italia iyo Mediaset Premium, laacibkan caalamiga ah ee reer Colombia ayaa maanta iskaga baxay tababarka kaddib markii uu wax ka noqday muruqa kubka taasoo shaki wayn ka gelinaysa kulanka todobaad dhamaadka.

Tani waxay fursad wayn siinaysaa laacibka cusub ee Douglas Costa oo ay u badan tahay inuu kasoo muuqdo safka hore ee Bianconeri. Marko Pjaca ayaa isna kaligii gaar u tababaranayay maanta.
b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close