Barcelona oo Liverpool kala heshiisay saxiixa Philippe Coutinho

(Barcelona) 08 Agoosto 2017 Barcelona ayaa kala heshiisay dhigeeda Liverpool iibka Philippe Coutinho sida ay baahisay ESPN.

Philippe Coutinho ayaa qarka u saaran inuu ugu biiro Barcelona qiimo dhan 90 milyan oo euro, heshiiska ayaana gaaraya ilaa 120 milyan oo euro marka lagu daro lacagaha dheeriga ah ee ku baxaya saxiixa laacibka.

Wafdi uu hogaaminayo madaxa fulinta ee Barcelona Oscar Grau ayaa habeenkii isniinta soo gaaray Liverpool si ay u dhamaystiraan heshiiska.

Ilawareedyo ayaa u sheegay ESPN Brazil in heshiiska uu ku dhawyahay in la dhameeyo kadib markii laacibku uu ku wargaliyay tababare Klopp go’aankiisa ah inuu baxayo.

Ilaa haatan ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada kooxood, laakiin wararka ayaa sheegaya in Barcelona ay ku dadaalayso sidii Coutinho uu u ciyaari lahaa labada lug ee Super Cup-ka Spain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close