XOG: Kooxda Barcelona oo wada xaajood kula jirta laacibka reer Talyaani ee Roberto Soriano

(Barcelona) 07 Agoosto 2017 – Waxaa la soo sheegayaa in Barcelona ay wada xaajood la furtay laaicbka khadka dhexe ee Villarreal iyo Talyaaniga ee Roberto Soriano.

Sida uu sheegayo weriyaha Eleven Sports ee Mateusz Swiecicki, qoyska Soriano ayaa isaga ku wargeliyay inay wada xaajoodyo u soconayaan labada dhinac.

Soriano ayaa ku biiray Villarreal oo ka qaadatay Sampdoria xagaagii tegey isagoo markiiba xiddig ka noqday La Liga, wuxuu dhaliyay 10 gool isagoo 7 kale dhigay sanadkii tegey.

Kooxda Catalan-ka ah, ayaa la ogyahay inay doonayso xoojinta khadkeeda dhexe kaddib markii ay ku guul darraysatay Marco Verratti.

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close