Taageerayaal xamaasadaysan oo kusoo xoomay xiddiga Wesley Sneijder oo Nice tababarka la bilaabay + Sawirro

(Nice) 07 Agoosto 2017 – Kubad qaabeeyaha reer Holland ee Wesley Sneijder ayaa si ballaaran loogu soo dhoweeyay magaalada Nice isagoo ku biiray isla kooxda magacaa ku dheesha.

Laacibkii hore ee Galatasaray ayaa SSC Napoli ku wajahaya isreebreeb-horaadka Champions League, waxaana uu durba u muuqdaa mid saamayn ballaaran ku yeeshay taageerayaasha kooxdan yar ee Nice iyadoo la arkayay taageerayaasha oo ku qamaamaya markii uu tababarka la qaadanayay kooxdiisa.

Sneijder ayaa dib ula midoobaya Mario Balotelli oo ay beri wada joogeen kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga. Sawirrada hoos ka eeg.

b b1 b2 b3 b4 b5 b6 b10 b11

b13

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close