Madaxwaynaha Barcelona oo markii ugu horaysay ka hadlay bixitaanka Neymar

Neymar Bartomeu

(Barcelona) 07 Agoosto 2017 Madaxwaynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ka tagista Neymar ee kooxda.

Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in uusan jirin laacib ka wayn kooxda Barcelona, wuxuuna intaa ku daray in laacibku uu isagu doortay inuu baxo.

Neymar ayaa heshiis rikoor ah ugu biiray kooxda PSG kadib markii la burburiyay qandaraaskii uu kula jiray Barcelona.

“Neymar wuxuu noqday wax laga soo gudbay, isaga ayaa doortay inuu baxo, wax walba waxay leeyihiin xad mana jiro qof ka wayn kooxda, cabasho ayaan u gudbinay UEFA” ayuu yiri Josep Maria Bartomeu.

“Waxaan nahay koox soo jirtay 118 sano isla markaana haysata ciyaartoy waa wayn, xubnaha kooxduna waxay kor u dhaafayaan 140 kun oo shaqsi, kooxdaan anaga ayaa iska leh, xubnaha ayaa leh ee ma ahan koox ay leeyihiin dad gaar ah”.

“222 milyan oo euro ee aan ka helnay Neymar si la hubo oo aan dag dag ku jirin ayaan u maamuli doonaa, lacagahaan waxaan uga faa’idaysan doonaa hormarinta jiritaankeena”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close