Kooxaha lacagta ugu badan iyo tan ugu yar ku qarash gareeyay SUUQA Premier League oo la soo saaray

dd

(England) 07 Agoosto 2017. Waxaa la soo saaray kooxaha lacagta ugu badan iyo tan ugu yar ku qarash gareeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Premier League tan iyo 1992-93.

Kooxaha Ingiriiska ayaa si aan caadi ahayn suuqa ugu jira baryahan iyagoo lacago badan ku beelaya si ay kal ciyaareedka cusub wacdaro ula yimaadaan.

Manchester City ayaa durba suuqa ku beeshay adduun dhan 200 milyan oo bound xilli uu weli suuqa furan yahay .

Jose Mourinho ayaa la sheegay inuu noqday macallinkii ugu horreeyay taariikhda oo 1 Billion oo bound ku qarash gareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda intii uu ciyaaraha ku jiray.

Balse iminka waxaa la soo saaray kooxaha lacagta ugu badan iyo tan ugu yar suuqa ku qarash gareeyay tan iyo 1992-93 markii la aas aasay Premier League, diraasad cusub ay sameysay MyVoucherCodes.co.uk/.

Naadiga Chelsea ayaa hogaanka heysa oo suuqa ku qarash gareysay 1.7 Billion oo Bound oo ay ka mid yihiin Tiemoue Bakayoko iyo Alvaro Morata oo ay dhawaan la soo saxiixdeen.

Manchester City ayaa labaad fadhisa oo suuqa ku qarash gareysay 1.5 Billion oo ay ku jiraan saxiixyadeeda dhawaan galka ah ee Kyle Walker iyo Benjamin Mendy.

Man United ayaa saddexaad ka soo gashay qiimeynta ay sameysay MyVoucherCodes.co.uk 1.3 Billion bound oo ay ku jiraan Lakaku iyo Matic.

EEG sida ay Kooxaha ugu kala horreey diraasada cusub:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close