DEG DEG: Dalbert oo kasoo degey Milano si uu Inter caafimaadka ugu maro + Sawir cusub

(Milano) 07 Agoosto 2017 – Dadabka bidix ee Nice Henrique Dalbert ayaa kasoo degey magaalada Milano, isagoo berriba Inter caafimaadka y mari doona.

Kooxda Nerazzurri ayaa muddaba xagaagan cayrsanaysay laacibkan reer Brazil, iyadoo shalay uu macallinka Inter ee Luciano Spalletti uu xaqiijiyay in uu heshiis dhacay.

B

Haatan FCInterNews ayaa werinaya in Dalbert uu soo caga dhigtay Milano, isagoo hoteel albaabka gadaale kasoo galay si uu saxaafadda uga dhuunto, waxaana uu berri caafimaadka u marayaa Beneamata.

Waxaa la rumaysan yahay inuu ku yimir €20m, iyo bareemiyo ay wehliyaan lacago boqolleey ah oo la bixin doono haddii lasii iibiyo mustaqbalka.

b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close