CAJIIB: Mourinho oo noqday Macallinkii ugu horreeyay oo 1-Bilyan ku qarash gareeya suuqa kala iibsiga

Jose

(Europe) 07 Agoosto 2017. Macallinka Manchester United Jose Mourinho ayaa si Rasmi ah u noqday tababarihii ugu horreeyay taariikhda oo 1 Billion oo bound ku qarash gareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Abaanduulihii hore ee Chelsea iyo Real Madrid ayaa qarash gareeyay £1.1 Billion wuxuuna ka sara maray tababarayaasha kale ee Carlo Ancelotti iyo Pep Guardiola.

Macallinka Man City ayaa la arkaa inuu yahay macallinka lacagaha ugu badan ku qarash gareeyay suuqa xagaagan 200 milyan oo bound isagoona keenay xiddigo sida Kyle Walker iyo Bernardo Silva.

Yeelkeede, Jose Mourinho ayaa noqday kii ugu horreeyay ee 1 Billion ku qarash gareeya suuqa kala iibsiga ciyaarotyda.

Ilaa iminka Man United waxay xagaagan la soo wareegtay Romelu Lukaku £75m, Nemanja Matic £40m iyo Victor Lindelof £31m, kuwaa oo isku dar laga soo bixiyay  £146m.

Jose ayaa 1 Billion ku qarash gareeyay suuqa muddadii 17-sano uu tababaraha ahaa, halka uu Carlo Ancelotti qarash gareeyay 970 milyan oo bound muddo 22-sano ah, waxaase xowli ku soo socda oo goor dhow wada dhaafi doona Pep Guardiola oo isagu 9-sano oo qura suuqa ku qarash gareeyay £859m.

josee

Xiddigihii ugu qaalisanaa uu la soo saxiixdo Jose Mourinho:

joseee

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close