Barcelona oo dooneysa in saxiixa Draxler uga aargoosato PSG

nintchdbpict000330581761

(Catalonia) 07 Luulyo 2017. Barcelona waxa ay qorsheneysaa in ay la soo wareegto Julian Draxler si ay uga aar gudato Paris Saint – Germain.

Paris Saint – Germain waxa ay £198million uga iibsatay Barcelona kabtanka Brazil ee Neymar.

Waxa ay iminka u muuqataa in Barca ay dooneyso xiddigga reer Germany in ay ku bedesho.

Sida laga soo xiganayo Bild, wakiilka Draxler, Roger waxaa lagu arkay Barcelona.

Ma cadda in uu dilaalku Barcelona u joogay wadaxaajood balse aayaha Draxler mugdi ayaa soo galay kaddib markii uu yimid Neymar.

23 jirka bishii Janaayo ayuu £38million ugu soo biiray PSG waxa uuna dhaliyey 4 gool.

Hase ahaatee, Barcelona waxaa ka go’an helidda badalka Neymar.

Bartilmaameedkooda kowaad waa Philippe Coutinho oo ku qaadanaya aduun dhan £120m.

nintchdbpict000343144246-e1501964012307

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close