Maxaa ka Qaldanaa habkii Rigoorooyinka loo tuuray kulankii Chelsea iyo Arsenal???

ar

(London) 06 Agoosto 2017. Arsenal ayaa Rigoorooyin ku tuntay Chelsea Community Shield kaddib markii uu waqtiga caadiga ay ciyaartu ku idlaatay 1-1, balse waxaa yaab ahayd oo ay cid kasta is waydiisay habka loo tuuray Rigoorooyinka oo ahaa nuuc cusub.

Taageerayaasha ayaa durba ka fal celiyay oo ka carooday iyagoo dalbaya in isbadelka badan laga dhaafo ciyaaraha isla markaana sidii hore loo tuuro rigoorooyinka.

Halkii Rigoorada  loo tuuran lahaa hal hal ayaa waxaa la arkayay iyadoo ay si isku xigta rigoorada u tuuranayaan labo laacib oo isku koox ah.

Chelsea goalkeeper Thibaut Courtois blazed his penalty high over the bar in the shootout

Nidaamkan cusub ayaa laga soo min guuriyay ciyaaraha Tennis-ka waxaana loo yaqaanaa habkan cusub ABBA.

Gary Cahill ayaa rigoorada bilaabay oo si qurxoon shabaqa u dhex dhigay, waxaase durba ku xigsatay oo labo jeer oo isku xigta tuurtay Theo Walcott iyo Nacho Monreal oo Gunners ka wada tirsan.

Waxaa ku xigsaday oo rigoorada wada khasaariyay goolhaye Thibaut Courtois iyo dhaliyaha cusub ee Blues Alvaro Morata.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close