Frank Lampard iyo Steven Gerrard oo si kala duwan u saadaaliyay 4-ta sare ee Premier League kal ciyaareedkan cusub

lam

(England) 06 Agoosto 2017. Rugcadaayadii hore ee Premier League Frank Lampard iyo Steen Gerrard ayaa argti aad u kala duwan ka qaba habka ay 4-ta sare kooxaha ugu dhammeysan doonaan Premier League kal ciyaareedkan cusub oo furmi doona usbuuca soo socda.

Kooxaha waa wayn ayaa is hubeeyay oo qarash badan is galiyay iyadoo uu cadaadisku ka xoog badnaan doono sida kal ciyaareedkii tagay.

Laacibka ugu goolasha badan taariikhda Chelsea ee Frank Lampard ee dhawaan u shaqo bilaabay BT Sport ayaa qaba in kooxdiisii hore ay xafidaneyso Premier League, wuxuu kaalinta labaad ku tuuray Manchester City, Jose Mourinho iyo kooxdiisa Man United ayuu galiyay saddexaad halka ay afaraad ku dhammeysan doonto Tottenham sida uu qabo Lampard.

lam1

Waxay la micno tahay inuu filayo in Arsenal iy Liverpool aysan u soo bixi doonin Champions League kal ciyaareedka soo socda.

Balse halyeygii hore ee Liverpool Gerrard oo ka aragti duwanaa saaxiibkii ayaa isna saadaaliyay in Manchester City ay qaadi doonto Premier League kal ciyaareedka cusub.

Wuxuu labaad siyay kooxdiisii hore ee Liverpool halka uu saddexaad ka dhigay Man United, wuxuuna afaraad u riday kooxda xafidaneysa koobka ee Chelsea.

lam2

Labada rug cadaa ayaa hal fikir uun ka wada simanaa taa oo ah in kooxaha reer Manchester aan laga waayi doonin 4-ta sare.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close