Conte oo ka hadlay sababta uu keydka ugu soo bilaabay Alvaro Morata

(London) 06 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ka hadlay sababta uu keydka ugu soo bilaabay Alvaro Morata.
Conte ayaa sheegay in Alvaro Morata uu u baahanyahay waqti uu kula qabsado kubadda iyo falsafad ciyaareedka Chelsea.
Sababtaas ayaana keentay in tababaraha reer talyaani uu ka doorbido weerar yahanka reer Belgium ee Michy Batshuayi kaas oo 2-gool ka dhaliyay Arsenal kulan saaxiibtinimo oo bishii hore ka dhacay dalka Shiinaha.
“Ma garan karo sababta dadka ay lama filaan ugu tahay” ayuu yiri Conte oo ka hadlay sababta uu keydka ugu soo bilaabay Morata.
“Waa iska caadi marka uu laacibku kuu yimaado, wuxuu u baahanyahay waqti badan si uu ula qabsado kubaddena iyo fikradeheen”.
Gool FM