Arturo Vidal oo sameeyay rikoor taariikhi ah kadib Super Cup-kii uu la qaaday Bayern Munich

Image result for Arturo Vidal Germany super cup

(Munich) 06 Agoosto 2017 Laacibka reer Chile ee Arturo Vidal ayaa sameeyay rikoor taariikhi ah kadib markii uu xalay la qaaday kooxdiisa Super Cup-ka Jarmalka.

Arturo Vidal ayaa noqday laacibka ugu koobabka badan ciyaartoyda ka soo jeeda dalkiisa Chile, kadib koobkii uu xalay la qaaday kooxdiisa.

Bayern Munich ayaa gool ku laad uga adkaatay kooxda Borussia, Arturo Vidal ayaana qaaday koobkiisii 12-aad ee waayihiisa qaarada yurub.

Vidal ayaa la qaaday Juventus 7-koob halka Bayern Munich uu la qaaday 5-koob tan iyo markii uu ku biiray xaggaagii 2015.

Sanchez psg

Waxaana ku soo xiga laacibka Arsenal ee Alexis Sanchez kaas oo ku guulaystay 10-koob, 6-koob wuxuu la qaaday Barcelona halka Arsenal uu la qaaday 4-koob.

Marcelo Salas oo ku jira booska 3-aad ayaa xirfadiisa qaarada yurub ku guulaystay 9-koob, wuxuuna la kala qaaday kooxaha Lazio, Roma iyo Juventus.

Bravo ayaa la mid ah Salas, wuxuuna xirfadiisa ku guulaystay 9-koob, 8-kamid ah wuxuu la qaaday Barcelona halka Real Sociedad uu la qaaday kaliya hal koob.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close