Arsene Wenger oo la hadlay taageerayaasha Arsenal kaddib markii ay Chelsea ka qaadeen Community Shield

Wenger

(London) 06 Agoosto 2017. Arsenal ayaa rigoorooyin 4-1 ah Chelsea uga qaaday Community Shield kaddib markii ay ciyaartu ku idlaatay 1-1 waqtiga loogu tala galay.

Arsene Wenger ayaa sheegay kulanka kaddib inay riyo tahay inaad farxad galiso taageerayaasha Arsenal, wuxuuna ugu baaqay isku duubni.

“Waa riyo inaad farxad galiso taageerayaasha, waa riyo adag balse si adag ayaan isugu daynay,” Wenger ayaa sidaa yiri.

“Waxaan jeclaan lahaa inay dhabar istaagaan kooxda maadaama laga arko inaan marno waqti fiican iyo waqti aan fiicnaynba.

“Waxaan dooneynaa inaan si wada jir ah u midowno inta uu socdo xilli ciyaareedka.

Dhanka kale tababare Wenger oo ka hadlay roosihii loo taagay Pedro kaa oo la dhihi karo inuu ciyaarta dhanka kale u rogay:

The Spaniard was sent off with just ten minutes of the clash remaining

“Hagaag, ma garanayo haddii ay ahayd in garoonka laga saaro Pedro iyo haddii kale, laakiin waqtigaa innagaa xukumeynay kulanka.

“Waqtiyo yar oo adag ayaan qaadanay bilowga qeybtii labaad balse wixii markaa ka dambeeyay innagaa xukumeynay kulanka, markasta kuwa halis ah ayaan u muuqanay.

“Kulan kasta waa dagaal Premier League, sida maanta oo kale.”’.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close