Neymar oo bandhig wayn loogu samaynayo Parc des Principles & La Liga oo weli ku dheggan (Goorma ayuu kulanka 1-aad safan karaa?)

(Paris) 05 Agoosto 2017 – Waa bandhig qabyo ah. Yeelkeede, inyar uun kaddib waxaa Parc des Principles, oo u yaalla magaalada Paris ka bilaabmaya bandhig loo samaynayo Neymar Jr oo shalay si toos ah uga mid noqday safka PSG.

Wuxuu noqday laacibka ugu qaalisan kubadda cagta caalamka taariikhda, sababta aannu u leenahay waa bandhig qabyo ah waxay salka ku haysaa in waloow uu laacibku ku jiro safka PSG misna aanu weli dheeli karin kulan rasmi ah.

Xiriirka Kubadda Cagta Spanish-ka ayaan waqtigii la rabey helin dokumentigii iibka laacibka si ay u fasaxaan adeegsigiisa, sidaa darteed waxay u badan tahay in uu kulanka ugu horreeya safto Axad Agoosto 13, saacaddu marka ay tahay 21:00, markaasoo ay PSG u martiyayaan Guingamp.

Yeelkeede, caawa waxay taallada Eiffel Tower ee ay caanka ku tahay Paris dadka tusi doontaa midabbada PSG iyo Brazil si loogu maamuuso imaanshiyaha Neymarr, sida uu qorayo Gazzetta.it.

b1

Gool FM

Xariir La Leh

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close