Isku aadka koobka Janeraal Daa’uud oo la sameeyay iyo kullamo adag oo ka soo baxay

kooooddddddddddddd

(Muqdisho) 05 Luulyo 2017. Koobka Jeneral Daa’uud waxaa uu ka mid yahay tartamada sanadlayaasha ah ee uu qabto xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta, waxaana loogu tala galay in lagu xusuusto Aabihii Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Jeneral Daa’uud Cabdulle Xersi, oo ahaa aas aasihii xooga dalka Soomaaliya.

Koobkaan oo qabashadii xiriirku ay billaabeen sanadku markuu ahaa 1972-kii, ayaa isku aadkiisa la sameeyay xili uu bilaaban doono bisha soo socota.

Sida sharciga ah koobkaan waxaa ka qeyb qaata 16-kooxood, oo isugu jira heerka koowaad iyo heerka labaad, waxaana difaacaneysa Jeenyo oo sanadkii la soo dhaafay ku guuleysatay.

Isku aadka la sameeyay waxaa ka soo baxay kullamo adag xilli ay isku guruub noqdeen kooxaha Heegan, Dekedda, Jeenyo iyo Banaadir waxa ayna ku wada jiraan guruubka C.

Waxool iyo Bariga Dhexe oo kullan kala bax ah ciyaari doono maalinta Tallaadada ayaa tii soo badisaa waxa ay gali doontaa guruuba B, oo ay ku wada jiraan kooxaha Elman, Savaana iyo Saxafi.

Tartanka ayaa furmi doono 15-ka bisha soo socota waxana kullanka ugu horeeyo wada yeelan doona kooxaha Gaadiidka iyo Muqdisho FC oo ku wada jira guruubka A.

GROUP A

Gaadiidka, Midnimo, FC: Banaadir, Muqdisho FC

GROUP B

Elman, Savaana, Saxafi iyo midkood Waxool iyo Bariga Dhexe

GROUP C

Heegan, Dekedda, Jeenyo iyo Banaadir

GROUP D

Horseed, OFC, Jamhuuriya iyo Rajo

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close