Eden Hazard oo Fariintan u soo diray Neymar kaddib markii uu ku biiray PSG

Neymar of Paris Saint-Germain (PSG) pose during his presentation to the press at Parc des Princes on August 4, 2017 in Paris, France. (Photo by Mehdi Taamallah/NurPhoto via Getty Images)

(London) 05 Agoosto 2017. Xiddiga Chelsea Eden Hazard ayaa dhigiisa Neymar fariin ugu soo diray baraha bulshada kaddib markii uu PSG ugu biiray rikoodh suuq jabis ah 222 milyan oo euro.

Xiddiga reer Brazil ayaa shalay lagu soo bandhigay magaalada Paris iyadoo ay taageerayaal badan soo xaadireen waxaana lagu soo dhaweeyay No. 10.

Eden Hazard ayaa 5 sano ku soo qaatay horyaalka Ligue 1 ee dalka Faransiiska gaar ahaan kooxda Lille iyadoona labo sano oo xiriir ah loo caleemo saaray laacibka sanadka ka hor inta uusan 32 milyan oo bound ugu soo biirin Chelsea 2012.

Xiddiga reer Belgium ayaa nasiib wacan u rajeeyay Neymar isagoona Istagram ugu soo qoray Fariin u dhaceysay sidan:

“Wanaag baan Farnce ugu rajeynayaa saaxiibkey Neymar. Tani waxay noqon doontaa koobkaaga xiga!. #friends #ligue1 #france”.

Wishing my friend @neymarjr well in France. This will be your next trophy! #friends #ligue1 #france

A post shared by Eden Hazard (@hazardeden_10) on

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close