Coutinho oo ka maqnaanaya kulanka caawa ee Liverpool iyo laacibka oo ku sii dhawaanaya Barcelona

live

(Europe) 05 Agoosto 2017. Mundo Deportivo ayaa sheeganeysa in markii uu Neymar PSG ugu biiray 222 milyan oo euro ay Barcelona durba bilowday wada hadalo ay kula soo wareegeyso Coutinho isla markaana ay sheekado iminka dhow dahay.

Wakiilka laacibka ee lagu magacaabo Giuliano Bertolucci ayaa iminka ku sugan London si uu u sugo jawaabta kama dambeysta ah ee Liverpool kaddib markii ay Barcelona soo gudbisay dalab dhan 90 milyan oo bound oo u dhiganta 100 milyan oo euro.

Jariiradda ayaa intaa ku dareysa in dalabka ay soo gudbisay camaaliqada Spain uu la eg yahay qiimaha ay doonayaan Reds kaddib markii Barcelona laga soo diiday dalab hore oo ku kacaya 80 milyan oo euro.

Coutinho close to £90m transfer to Barcelona as Klopp lines up replacement

Coutinho lama uusan safrin Barcelona kulanka saaxiibtinimo ay caawa Dublin kula yeelan doonaan Athletic Bilbao sababo la xiriira dhaawac dhabarka ah.

Waxaa la sheegayaa in Jurgen Klopp uu durba bilaabay inuu ka fikiro ciddii u badeli lahayd laacibka reer Brazil waxa uuna bartilmaameedkiisa sare ka dhigtay laacibka West Ham Manuel Lanzini.

Wararka waxay intaa ku darayaan in Barcelona ay sidoo kale ku dhawaanayaan saxiixa dhaliyaha Dortmund Ousmane Dembele, halka ay sidoo kale bixinayaan lacagaha 32 milyan oo euro oo lagu bur burinayo qandaraaska daafaca Real Sociedad Inigo Martinez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close