Sawirkii Caanka baxay ee Lionel Messi oo sabab u noqday tagista Neymar…(Aqri Sheekadan!!!)

sawirkii

(Europe) 04 Agoosto 2017. Neymar ayaa waqti qurxoon uu la soo qaatay Barcelona kaddib go’aansaday inuusan ku sii qarsoonaan hooska Lionel Messi isagoona lacago rikoodh ah ugu dambeyntii ugu biiray kooxda PSG.

Wuxuu u duulay iminka Paris waxaana lagu wadaa in maanta duhradii si rasmi ah loo soo bandhigo isagoo waliba xiran maaliyada No.10.

Haddaba sheeko cusub oo iminka soo ifbaxday ayaa lagu sheegayaa in Sawirkii caanka baxay ee Lionel Messi kulankii Mucjisayda ay 6-1 uga adkaadeen PSG Champions League uu sabab u noqday in Neymar uu markaa go’aansado inuu isaga tago Camp Nou.

Barcelona posted this picture on social media the day after their win over PSG

Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay labo gool isagoona caawiyay goolkii waqtiga dhimashada ay ku soo baxday Barca kaa oo uu dhaliyay Sergi Roberto ciyaar ay ka soo kabteen guul daro 4-0 oo ku soo gaartay Paris.

Wuxuu ahaa xiddiga kulanka, laakiin nasiib darro halkii isaga la buun buunin lahaa Barcelona ayaa soo daabacday sawir wayn oo uu Lionel Messi kulankaa la galay taageerayaasha isagoo ku istaagay boorka xayaysiinta kaa oo caan ka noqday kubbada cagta waqtigan.

Neymar is thought to have grown tired of being in Leo Messi’s shadow

Kooxda reer Catalonia waxay ku guul darreysteen inay garowsadaan sida cajiibka ahayd uu Neymar kulanka dhanka kale ugu rogay iyagoo taa badelkeeda si daran u buun buuniyay Messi oo ay xitaa ku shaaciyeen barahooda Twitter-ka.

Sida uu sheegayo warsidaha El Pais ee dalka Spain in Neymar uu habeenkaa ogaaday inuu isaga boxo hooska Messi isla markaana uu raadsado meel laga aqoonsanayo waxa uu mudan yahay.

Ma cada sababta rasmiga ah uu u doortay inuu ka tago Barcelona. Laakiin waxay saxaafada inta badan isku raacday inuu doonayo meel uu Atoore ka noqdo sida Lionel Messi.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

Xariir La Leh

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close