Neymar oo u mahadceliyay Javier Pastore kadib markii uu siiyay lambarkiisa

Image result for Javier Pastore on Neymar

(Paris) 04 Agoosto 2017 Laacibka reer Argentina ee Javier Pastore ayaa ku sharfay Neymar lambarkii uu u wadan jiray kooxdiisa PSG.

Neymar ayaana uga mahadceliyay Javier Pastore sidii uu ugu sharfay lambarkiisa, waliba isaga oo awooday inuu sii haysto.

Laacibka reer Brazil ayaa u xiran jiray Barcelona lambarka 11, maadama lambar 10 uu wato Messi.

“Waxaan jeclahay inaan uga mahadceliyo Javier Pastore lambarkiisa 10 oo uu isiiyay, ma filayn taas mana ka codsan, ixtiraam badan ayaan u haayaa isaga” ayuu yiri Neymar.

Neymar ayaa u xiran doona kooxdiisa cusub ee PSG lambarka aadka loo qadariyo ee “10”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close