Barcelona oo diiday inay bixiso lacagtii horay loo qorsheeyay in lasiiyo Neymar aabihiis

Barcelona-Neymar-Lionel-Messi-PSG-834928

(Barcelona) 04 Agoosto 2017 Muran u dhexeeya Neymar iyo Barcelona ayaa markale soo baxay kadib markii kooxda reer Spain ay diiday inay bixiso lacag horay loogu heshiiyay.

Barcelona ayaa ogolaatay in Neymar aabihiis ay siiso lacag dhan 26 milyan oo euro kadib markii uu ku qanciyay wiilkiisa inuu saxiixo heshiis cusub sanadkii hore.

Balse Josep Vives oo ah afhayeenka kooxda Barcelona ayaa si cad u sheegay in Barca aysan bixin doonin lacagtaas.

Wuxuuna cadeeyay in lagu heshiiyay in aabaha dhalay Neymar uu dalaal ahaan u qaato 26 milyan haddii Neymar uu la sii joogo Barcelona ilaa 1-da September ee sanadkaan.

“Lacagtii heshiis kordhinta Neymar ee ahayd 26 milyan oo euro ma bixin doono sababo la xiriira heshiiskii oo la baal maray” ayuu yiri Josep Vives.

“Balantu waxay ahayd in lacagtaas la bixiyo 1-da September haddii uu Neymar sii joogo kooxda, isaguna ma fulin balantii, sidaas darteed ma bixinayno lacagtaas”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close