Bakayoko iyo Hazard oo la xaqiijiyay inay seegayaan kulanka Arsenal ee Community Shield

Bakayoko

(London) 04 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa xaqiijiyay in Hazard iyo Bakayoko ay seegayaan kulanka Community Shield.

Labada laacib ayaa maray qaliin xaggaagan, waxaana la xaqiijiyay inay ka maqnaan doonaan kulanka Community Shield iyo waliba kulanka furitaanka horyaalka ee Burnley.

“Hazard iyo Bakayoko taam uma ahan kulanka axada, mana filayo xitaa inay taam u noqon karaan kulanka furitaanka horyaalka ee Burnley” ayuu yiri Tababare Conte.

“Sifiican ayaad u ogtihiin dhaawaca Hazard, dhib ayuu ka qabaa anqawga wuxuuna maray qaliin, sidoo kale Bakayoko qaliin ayaa looga sameeyay jilibka”.

Conte ayaa dhanka kale sheegay inuu ka xunyahay guul daradii ay kala kulmeen Arsenal oo ka qaaday koobka FA Cup-ka.

“Waxay ahayd wax laga xumaado guul daradii naga soo gaartay FA Cup-ka kadib xiliciyaareed wayn, haatan waxaa jira kulan kale”.

“Arsenal waa koox isku aadan, waxaana na sugaya kulan aad u adag, waxaanan doonaynaa inaan guulaysano”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close