RASMI: Neymar oo ku biiray kooxda PSG (Baraha bulshada oo looga jeexjeexayo!)

(Madrid) 03 Agoosto 2017 – Neymar ayaa rasmiyan ku biiray kooxda PSG iyadoo ay Barcelona ku dhawaaqday in la bixiyay qiimihii lagu fasaqayay qandaraaska laacibka oo ah 222 milyan oo euro.

Maamulka La Liga ayaa maanta isku dayay inuu hakiyo qorshaha PSG, balse waxay lacagta si toos ah faraha uga saareen isla kooxda Barcelona iyadoo ay PSG si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu kusoo biiray Neymar oo saxiixay qandaraas qaali ah oo 5 sanadood ah oo taxnaanaya tan iyo 30-ka Juunyo 2022.

Naadiga Blaugrana ayaa tafaasiisha heshiiska u diraysa xarunta UEFA ee Nyon si loo go’aamiyo go’aanka ay ka qaadanayaan kiiskan ugubka ah marka loo eego xeerka dhaqaale wanaagga FFP.

Jeegga ay lacagtani ku qoran tahay ayaa farta laga saaray Maareeyaha Guud ee naadigan Catalan-ka jaalle Oscar Grau, waxaana goobta joogey qarreenka Neymar ee Juan de Dios Crespo, oo arrinta la socdey tan iyo markii ay maamulka La Liga oo ku sugan Madrid ay lacagta in la bixiyo diideen.

b

b b1 b2 b3 b4 b5 b6 b7 b8 b9 b10 b11 b12 b13 b14 b15 b16 b17 b19

b

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close