Kooxda Juventus oo diiradda saaratay Adrien Rabiot

(Torino) 03 Agoosto 2017 – Juventus ayaa sida la sheegayo waxay doonaysa Adrien Rabiot, balse Paris Saint-Germain ayaa ka caga jiidaysa inay iibiso.

Kooxda Bianconeri ayaa doonaysa inay xoojiso khadkeeda dhexe, iyagoo aad u xiisaynaya Matuidi oo isla PSG u safta, balse tiiyoo ay taasi jirto, Tuttosport ayaa werinaya in ay sidoo kale PSG waydiisteen Rabiot, oo ah laacib muddo lala xiriirinayay Juve.

Yeelkeede, naadiga Ligue 1 ayaa aad uga caga taalleeynaya inuu fasoxo 22-jirkan, waxaana sii dheer xiriirka ay Old Lady la leeyihiin oo aad u liita.

PSG ayaa u carootey kooxda Juventus markii ay qaab xor ah ku qaateen Kingsley Coman 2014, iyagoo xagaagii tegey sidaa darteed ugu diidey laacibka Matuidi.
b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close