Heshiiska Dalbert ee Inter Milan oo maanta la dhamaynayo?

(Milano) 03 Agoosto 2017 – Wakiilka dadabka bidix ee Nice ee Dalbert ayaa maanta laga sugayaa Talyaaniga si loo dhameeyo heshiis uu laacibkiisu ku imanayo Inter.

Waxaa lasoo werinayay Talaadadii in dalabka Inter la aqbalay kasoo ah €20m oo bareemiyo lagu daray oo lagu soo qaadanayo laacibkan reer Brazil, iyo 20% ay kooxdu ku yeelanayso haddii lacalla lasii iibiyo. Dalbert xalay kuma bilaabanin kulankii 2-2 ay kula noqdeen Ajax, balse gelinkii dambe ayuu soo galay ciyaartan oo ahayd isreebreeb-horaadka Champions League.

Haatan Gazzetta dello Sport ayaa dhigaya in wakiilka laacibku uu maanta imanayo Talyaaniga si loo qayaxo heshiiska uu xiddigu ku imanayo Nerazzurri oo aad u caashaqsan.

Waxaa horay u jirey heshiis af ahaan ay ula gaareen Dalbert, sidaa darteed laacibku wuxuu u imanayaa inuu caafimaadka maro 36-da saacadood ee soo aaddan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close