EL: Kooxda AC Milan oo usoo baxday kulamada kala baxa ee EL + Sawirro

(Milano) 03 Agoosto 2017 – AC Milan ayaa usoo gudubtey wareegga kala baxa ee Europa League ka gadaal markii ay isu gayn ahaan 3-0 iskaga reebtay naadiga Craiova.

Kulankan San Siro oo 2-0 ku dhamaaday waxaa goolasha Milan u kala dhaliyay Giacomo Bonaventura iyo muluqa Patrick Cutrone oo sidaa ku noqday laacibkii 2-aad ee ugu da’ yaraa Milan ee Yurub gool ka dhaliya kaddib Alexandre Pato.

Taageerayaasha Milan ayaa caawa wacdaro ka dhigay San Siro, iyadoo ay la yaab ahayd in ciyaartan ay daawanayeen 75,763 oo taageere, waloow ay tahay wareeg horaadka Europa League taasoo rikoodh ka ah tartanka UEFA marka uu heerkan joogo, waxaana garoonka ka muuqdey qoraallo ay soo diyaariyeen Curva Sud oo uu ku jirey mid u akhrismayay ‘Wadnahaygu waa murugaysan yahay marka aan kaa fogahay.’

Ciyaartu intii aysan bilaabanin waxaa garoonka soo galay oo taageerayaasha salaamayay laacibiinta cusub ee Milan ee Leonardo Bonucci iyo Lucas Biglia.

Milan ayaa Jimcaha ogaanaysa kooxda ay la dheelayso kala baxa wareegga xiga ee EL marka la sameeyo isku aadka.

b

b b0 b1 b2 b3 b4 b5 b6 b7 b8 b9 b10 b11 b12 b13 b1

b b1

b15 b14 b11 b10 b8 b7 b6 b5 b4 b3 b1 b b1 b b

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close