Barcelona oo ka hortimid go’aanka La Liga ay ku diideen in la burburiyo heshiiska Neymar

(Barcelona) 03 Agoosto 2017 Kooxda Barcelona ayaa ka soo hor jeesatay qorshaha hogaanka La Liga ay ku diidanyihiin in Neymar uu katago Barca.

Xili lafilaayay maanta in la dhameeyo heshiiska taariikhiga ah ee Neymar uu ugu biirayo PSG ayaa la baahiyay in La Liga uusan ogolaan doonin in la burburiyo heshiiska laacibka.

beIN SPORTS ayaa baahisay in Barcelona ay aad uga xuntahay hab dhaqanka hogaanka La Liga uu ku hor istaagayo in Neymar uu ku biiro PSG.

Barcelona ayaana xaqiijisay in si toos ah ay PSG uga iibin doonto Neymar maadama aan loo baahnayn in dhinac saddexaad uu qayb ka noqdo heshiiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close