AC MILAN VS CRAIOVA: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

(Milano) 03 Agoosto 2017 – Kooxda AC Milan ayaa caawa la dheelaysa kooxda CSU Craiova oo ugu martiyaysa San Siro lugta 2-aad ee wareegga 3-aad ee isreeb-reeb-horaadka Europa League. Lugta hore waxaa 1-0 kusoo badisay Milan oo uu guulka ugu qaaraamay Ricardo Rodriguez.

Vincenzo Montella rayaa isagoo dheelaya shaxda uu jecel yahay ee 4-3-3, wuxuu isbedel ku samaynaya safkiisa isagoo soo kordhinaya Andrea Conti oo dadabka midi ah, Manuel Locatelli iyo Suso waxaa xitaa markii hore xisaabta ku jirey Andrè Silva balse wuxuu ka sheeganayaa suulka sidaa darteed baa waxaa safanaya Patrick Cutrone.

EUROPA LEAGUE, MILAN-CRAIOVA: SHAXAHA LAGA YAABO

Milan (4-3-3): Donnarumma; Conti, Musacchio, Zapata, Rodriguez; Kessié, Locatelli, Bonaventura; Suso, Cutrone (Silva), Niang.

CSU Craiova (4-1-4-1): Calancea; Dimitrov, Spahija, Kelic, Briceag; Zlatinski; Gustavo, Rossi, Mitrita, Bancu; Baluta.

Untitled

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close