XOG: Neymar Jr oo xerada tababarka Barca u tegey inuu kooxdiisa macasalaameeyo! + Sawirro (Wakiilkiisa oo qish bixiyay)

(Barcelona) 02 Agoosto 2017 – Neymar Jr ayaa macasalaameeynaya Barcelona. Sida ay saaka werinayso warbaahinta Spanish-ku laacibka ayaa kasoo muuqday “Ciutat Deportiva” si uu macasalaameeyo saaxiibadii uguna sheego inuu ku wajahan yahay PSG.

Laacibkan reer Brazil ayaa isagoo gaariga ku jooga wuxuu xerada tababarka yimi 9.00 isagoo aan u imanin inuu ka qayb qaato tababarka oo uu Valverde u qorsheeyay 9.30 am, tiiyoo uu isla macallinku u ogolaaday inuu sidaa yeelo.

Arrintan ayaa sii xaqiijinaysa in Neymar uu u socdo PSG, iyadoo uu warku ku xad yahay war uu Twitter soo dhigay wakiilkiisa Wagner Ribeiro oo amaanay Paris isagoo leh: “Paris waa magaalo cajiib ku ah Eiffel Tower, cuntada iyo ciyaarta kubadda cagta”

b b2 b3 b4 b5

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close