XOG: Chelsea oo ka hartay hardankii ay ugu jirtey helista Renato Sanches (Laacib kale oo ay u weecatay!)

(London) 02 Agoosto 2017 – Warar ka imanaya Talyaaniga ayaa sheegaya in Chelsea ay faraha ka qaadday doonisteedii Renato Sanches iyadoo taa biddaalkeeda diiradda saaranaysa Danny Drinkwater, taasoo AC Milan ka dhigaysa kooxda qura ee doonaysa laacibka Bayern Munich.

Labada naadi ee Milan iyo Chelsea ayaa ku hardamayay saxiixa laacibkan khadka dhexe ee Sanches, kaasoo ay kooxda Bavaria ku adkaysanayso inay amaah qallalan oo qura ku dirayso.

Yeelkeede, Antonio Conte ayaa haatan u muuqda mid diiradda saaraya laacibka Leicester City ee Drinkwater, kaasoo dib ula midoobaya N’Golo Kante haddii uu yimaaddo.

Mediaset Premium ayaa werinaya in Milan ay haatan tahay midda qura ee laacibkan reer Portugal doonaysa, iyadoo bandhig xumada laacibka ee Audi Cup oo kooxdiisa labadii kulanba laga badiyay u aragta fursad keenaysa in la dhimo qiimaha laacibka.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close