Barcelona oo xaqiijisay inuusan Neymar ka tagi doonin kooxda ilaa….

barca

(Catalonia) 02 Agoosto 2017. Barcelona ayaa xaqiijisay in Neymar uusan ka tagi doonin kooxda ilaa ay PSG bixiso lacagaha lagu bur burin karo qandaraaskiisa ee 222 milyan oo euro.

Kooxda reer Catalonia ayaa shaaca ka qaaday in Neymar iyo aabihii ay saakay u caddeeyeen go’aankooda balse iyagu ay dalbayaan lacagaha lagu bur burin karo heshiiska Neymar.

Warbixin rasmi ah ay soo saartay Barcelona ayay ku sheegtay inay ku wargalisay inay qasab tahay in la bixiyo lacagaha 222 milyan oo euro waliba si dhammeystiran.

Inkastuu Neymar saakay yimi xerada tababarka kooxda misane saacad gudihiisa ayuu ka tagay kaddib markii uu helay ogolaansho uu kaga baxayo tababarka.

Warbxinta ay soo saartay Barcelona ayay sidoo kale ku xaqiijisay in laacibku uu weli kula jiro heshiis waqti dheer ah balse ay saakay siyeen fasax ku meel gaar ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close