Alexis Sanchez oo Boorsooyinkiisa xir xiranaya!!!

alxe

(London) 02 Agoosto 2017. Alexis Sanchez ayaa ka dhaadhiciyay oo ku qanciyay saaxiibadiisa kooxda Arsenal inuu doonayo inuu kooxda isaga tago  iyadoo uu shalay uun dib ugu soo laabtay tababarka kooxda.

Xiddiga reer Chele ayaa la maleenayay inuusan dib dambe uga soo muuqan doonin tababarka Gunners kaddib markii uu xanuun sheegtay usbuucii la soo dhaafay.

Yeelkeede, Sanchez ayaa wax u qarin saaxiibadiisa markii uu shalay dib ugu soo laabtay tababarka isagoona u sheegay rabitaankiisa ku aadan inuu ka baqoolo Emirates Stadium.

The Chile international returned to the club's London Colney HQ for pre-season on Tuesday

Manchester City iyo PSG ayaa wada xiiseynaya saxiixiisa, laakiin Sanchez wuxuu door bidayaa inuu dib ula midoobo tababarihiisii hore ee Pep Guardiola.

Hasayeeshee, Arsene Wenger ayaa shalay markale ku celiyay inaan la iibineyn Sanchez haddii ayba dhacdana aan laga iibin doonin koox kula xifaaltameysa Premier League.

Alexis Sanchez ayaa tijaabooyin taam ahaanshihiisa ah shalay maray iyadoo maanta la filayo inuu dib ugu soo laabto tababarka buuxa ee Arsenal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close