AC Milan oo soo dedejin karta qorshaha ay kula soo wareegayso Renato Sanches

(Milano) 02 Agoosto 2017 – AC Milan ayaa sida lasoo werinayo weli ku mashquulsan wada xaajoodyada ay doonayso inay kula soo wareegto laacibka khadka dhexe ee Bayern Munich ee Renato Sanches.

Sida ku qoran Gazzetta dello Sport, soo wareegitaanka Sanches ayaa lasoo dedejin karaa haddii lagu guulaysan waayo in la keeno laacib weerar ah, iyadoo uu xitaa wargaysku sheegayo inay ”saacado uun qaadan karto” in la keeno xiddig-yarahan reer Portugal.

Waloow ay Bayern ka go’an tahay in aanu laacibku uga tegin wax ka badan amaah qallalan, misna waxaa laga warsugayaa kulan dhexmaraya laacibka iyo macallin Ancelotti iyadoo la sheegayo in uu laacibku doonayo inuu ku biiro Rossoneri oo doonaysa inay laacibka xagaagan soo amaahato midka xigana la wada wareegto.

b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close