Taageerayaasha Barcelona oo calaamadaystay Paulo Dybala si uu badal ugu noqdo Neymar

Image result for Dybala y Neymar

(Barcelona) 01 Agoosto 2017 Taageerayaasha kooxda Barcelona ayaa durba bilaabay inay kooxda cadaadis ku saaraan sidii loo keeni lahaa badalka Neymar.

Laacibka reer Brazil ayaa isku diyaarinaya inuu tijaabada caafimaadka u maro PSG si uu ugu biiro suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Mundo Deportivo ayaa samaysay ra’yi uruurin ku aadan laacibka taageerayaashu ay jecelyihiin inuu badal u noqdo Neymar, waxaana loo batay Paulo Dybala.

47% taageerayaashii codeeyay ayaa doortay in Barcelona ay soo iibsato weerar yahanka Juventus ee Paulo Dybala, wuxuu helay inkabadan 10 kun oo cod.

Laacibka Borussia ee Ousmane Dembele ayaa soo galay booska labaad, wuxuuna helay 14% codadkii la dhiibtay.

Antonio Griezmann iyo Mbappe ayaa soo kala galay boosaska saddex iyo afar, Coutinho ayaanse lagu soo darin ra’yi uruurinta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close