RASMI: Jesus Navas oo dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Sevilla

(Sevilla) 01 Agoosto 2017 Laacibka ka ciyaara garabka weerarka ee Jesus Navas ayaa isaga dhaqaajiyay Manchester City.

Wuxuuna si rasmi ah ugu biiray kooxdiisii hore ee Sevilla kadib 4-xiliciyaareed oo uu la qaatay kooxda reer ingiriis.

Jesus Navas ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa cusub heshiis ku eg ilaa 2021 kadib markii uu si xor ah uga soo dhaqaaqay Man City.

31 jirkaan reer Spain ayaa ka tagay kooxda Sevilla 2013, wuxuuna 14.9 milyan oo Ginni ugu biiray kooxda Manchester City.

Waa laacibkii labaad ee Sevilla ay ka qaadato Manchester City xaggaagan kadib Nolito oo goor sii horaysay ku biiray.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close